Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Warar Dheeraad ah Oo Ka Soo Baxay Weerarkii Baydhabo

$
0
0

baydhoWararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dablay hubaysani ay weerar ku qaaday xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana goobtaas ku geeriyooday illaa sideed qof.

Dadka weerarkan ku dhintay ayaa isugu jiray Saddex ka mid ah ciidamada amniga, laba Askri oo ka tirsan Ciidamada Ethiopia ee ku jira Hawl-galka Midawga Afrika ee AMISOM iyo saddex ka mid ahaa maleeshiyadii weerarka soo qaadday.

Guriga la weeraray ayaa ahaa dhismaha uu deggan yahay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Aadan isla markaana u ah xarunta uu ku shaqeeyo, waxaana wararku sheegayaan inuu ka badbaaday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan weerarkaasi.

Wareysiyo ay VOA weerarkan kala yeelatay  goob joogayaal iyo qaar ka mid ah sharaakiisha amaanka ee Magaalada , halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso:

http://www.voasomali.com/audio/267733

Source : VAO.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images