Maanta oo ay taariikhdu ahayd 4th March 2015 waxaa diyaaradda Turkish airline la wada socdey labo wafdi oo u xilsaarnaa wada hadallada Maamulka Somaliland iyo Dawladda Federalka ee Soomaliya si ay isula meeldhigaan arrimaha masiiriga ah ummadda Soomaliyeed. Hase ahaatee wafdiga Soomaaliland waxaa u cuntami weydey iney la xaajoodaan wafdi ay ku jiraan xubno dhulka Somaliland ka soo jeeda. Sidaasna uu ku burburey shirkii loo ballansanaa kaasi oo niyad jab weyn ku reebey dawladdii martigelisey ee Turkiga. Aniga oo wafdigaa ka mid ahaa, waxaan is leehay iney afar siyaasi oo sidaan ka dareemey jecel nabadda, horumarka, wadajirka ummadda iyo in si niyad sami leh loogu dhiirrado danaha masiiriga ah ay wafdiga Somaliland diidaan waxay ku biiraysaa fursadaha qaaliga ah ee marwalba ka lumaya ammaba laga dayaco shacabka Soomaliland inuu kaga baxo go’doonka siyaasadeed, gaadhona nolol iyo horumar u qalma.
Qoraalkan kooban waxaa ku faafiyey bayjka uu ku leeyahay Face Book Dr. Cilmi Nuur Maxamuud oo ka mid ahaa xubinihii ka qayb galay wada hadaldii fashil mey ee Soomaaliya iyo Somaliand