Saddex nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab, horey-na loogu xukumay xukunno dil ayaa maanta lagu toogtay gobolka Bari.
Wasiirka amniga Puntland Xasan Cusmaan Aloore ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Garoowe ka sheegay in xukun dil ah lagu fuliyay ragga kala ah Maxamed Cabdi Axmed Olol, Xaajow Sheekh Nuur Cusmaan iyo Ismaaciil Cabdulqaadir Jaamac Rabiile.
Maxkamadda dambiyada culus ee Puntland ayaa horraantii bishan ragga la toogtay ku xukuntay toogasho kaddib markii ay sheegtay in lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin gayshashada weerarro qaraxyo ah iyo kuwa kale oo ay sanad ka hor ka fuliyeen magaalada Boosaaso.
Maamulka Puntland ayaa dagaal kula jira maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo ku sugan deegaannada buuraha leh ee gobolka Bari.
RBK