Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Taliye xigeenkii saldhigga weyn ee Booliska Baydhaba oo lagu toogtay suuqa magaalada Baydhabo.

$
0
0

toogashoAwdalpress – Baydhabo – War goordhaweyd naga soo gaadhay Magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in badhtamaha Magaaladaasi lagu dilay Taliye ku xigeenkii Saldhiga weyn ee Baydhabo Marxuum Gaashaanle Cali Salaad.

Waxaana la sheegayaa in Marxuumka ninka dilay uu ku hubeysnaa Bastoolad oo dilka kadib isna isla goobta lagu dilay.

Dilka taliye ku xigeenka ayaa waxaa Caawa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo, waxaana lagu soo warramayaa in halkaasi ay ka socdaan baadhitaanno lagu sugayo ammaanka magaalada.

Dilaaga dilka geystay ayaa daqiiqado kadib isna la dilay, markii uu Taliye xigeenka dilay, waxaana dilkiisa fuliyay Ciidammo meel fog kala socday ammaanka Taliye xigeenka.

Dilkaani ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo maalmihii tagay ay dilalka caynkaani ah ku soo farabadanayeen Magaalada Baydhabo.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles