Wasiirka batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa la kulmay mas’uuliyiin Mareykan ah oo ay ka wada hadleen arrima la xiriira xaaladda shidaal soo saaridda iyo waaya-aragnimada laga baran karo Mareykanka.
Sida lagu xusay war saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda macdanta wasiirku wuxuu la kulmay madax ka tirsan wasaaradaha arrimaha dibadda iyo ganacsiga ee Mareykanka oo ay isla soo qaadeen fursadaha iyo caqabadaha dhanka shidaalka Soomaaliya iyo qaabka loo maamulo daqsigaiyo shuruucda maalgashiga shidaalka.
Wasiirka ayaa sheegay in maadaamaa Mareykanku uu kamid yahay dalalka sida wanaagsan u maamulo shidaalka ay doonayaan in ay ka bartaan habka loo maareyntiisa.
Soomaaliya ayaa dooneyso in ay sahmiso shidaal laga soo saaro dalka, iyadoo wasaaradda batroolka ay dhawaan sheegtay in ay xaaladda shidaal baarista ay noqon doonto mid u dhacdo si hufan oo mas’uuliyadi ay ku dheehan tahay si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaalida ee hadda jira iyo kuwa mustaqbalka ay helaan waxay xaqa u leeyihiin.




