Gobollada Mudug iyo Galgaduud ee haatan ku midoobay dowlad goboleedka la magac baxay Galmudug ama goblada dhexe ee Soomaaliya ninba si uu yaqaannaba. Waxa muddo dheer ka taagnaa dhibaatooyin isbiirsaday kuwaas oo ka soo bilowday xiligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay bur burtay, xilligaa wixii ka danbeeyey may helin maamul sida gobollada Somalida qaarkood, waxa gaabis ka noqday horumarkii ay gobolladaasi u baahnaayeen.
Goboladan oo ka mid ah kuwa dhulka Soomaaliya ugu ballaadhan, isla markaana ay ku nool yihiin dad tiro ahaan aan yarayn, waxa muddo dheer hadheeyey colaad beeleedyo xoogoodu uu bilowday horaantii sagaashamaadkii. Wakhtigaa oo ku beegnaa xilligii ay dawladdii Somalia ay meesha ka baxday. Muddadaasi dheer illaa immgana waxa ay ahaayeen kuwo hadba kuwo dhinacyo badan ay dagaallo ka kaga socdeen. Maaddaama ay goboladan yihiin kuwo qabiilooyin kala duwani ay wada degaan ama ay dhinacyda kaga wareegsan yihiin.
Mudo dheer ka dib waxaa Ilaah mahaddii ah in coladihii qabiilku ay soo kala yaraatay, inkastoo la odhan karo colaadahaasi waxa ay yeesheen wejiyo kale oo kooxo diimeedyo is diidani ay ku loollamayaan awoodda gobolladaasi.
Waxaa nasiib wanaag ah in haatan ay degaannadani leeyihiin aas-aaskii dowlad goboleed ee ugu nidaamka wanaagsanaa wixii dowlad goboleed dalka Soomaaliya laga soo dhismaayey, taas waxaa daliil u ah dhismaha maamulkani ayaa waxaa uu ku bilowday dib u heshiisiin dhex martay beelihii hore u dagaallamay ama khilaafka siyaasadeed ka dhexeeyey, iyada oo howshaasna ay gadhwadeen ka ahaayeen odayaal dhaqameedyada beelahan gobollada dhexe u dhashay, oo dib u heshiisiinta kadib u gudbay soo xulidda ergadii soo xuli lahayd xubnaha baarlamaanka.
Waxana ugu dambeyn ergadu guul ka gaadheen soo xulista baarlamaanka, oo isna ku guuleystay codeyn toos ah inay ku soo doortaan gudoomiyhii baarlamaanka.