Axad, Luulyo, 19, 2015 (Awdalpress-Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa galabta ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Cigaal ee magaaladda Hargeysa.
Madaxweynihii hore ayaa waxa madaarka u soo dhoweeyey wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xubno ka tirsan xukuumadda, haseyeeshee looma ogolaan in warbaahintu wax ka duubto iyo inuu kala hadlo ujeedadda safarkiisa ee magaaladda Hargeysa, isla markaana warbaahintii madaarka tagtay waa laga hor joogsaday.
Xukuumadda lafteedu kama hadal ujeedadda madaxweynihii hore ee maamulka Puntland u yimid magaaladda.
Haseyeeshee, xukuumaddu way ka war haysay booqashadda uu ku yimid Somaliland, isla markaana waxay wararka aanu helayna xusayaan inuu la kulmi doonno madaxweyne Siilaanyo.
Si kastaba ha ahaatee, Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ka dhexeeya muran xaga dhulka ah, taas oo dhawr jeer iska hor imaad ku dhexmaray.
Source : Hiiraan





