Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Al-Shabaab oo laga qabsaday Baardheere

$
0
0

HEAVILY-ARMED-AMISOM-SOLDIERS-300x168Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Al-Shabaab oo Baardheere ka talinaysay toddobadii sano ee la soo dhaafay ayaa ciidankeeda kala baxday magaalada saaka.

Ciidamada huwanta ayaa la xaqiijiyay inay galeen magaalada iyagoo la wareegay saldhigyadii kooxda ay ku lahayd halkaasi.

Al-Shabaab ayaa dhowaan albaabbada isugu dhufatay laanta idaacaddeeda Andalus ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Kooxda ayaa sidoo kale sii daysay maxaabiis ku xirnayd saldhigga guud ee magaalada.

Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgal wayn oo milateri ka wada gobollada Gedo iyo Baay, kaas oo la doonayo in Al-Shabaab laga xorreeyo deegaannadaasi ay gobolladaasi uga sugan tahay.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images