Hargeysa(Awdalpress)July-23-2015-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee Khamiista la wareegay xarunta dhexe ee xisbiga Waddani ku leeyahay magaalada Hargeysa, kuwaasi oo xidhay jidadka Soo gala xarunta xisbigaasi. Sidoo kalena Hotelka Dalxiis ee u dhaw biriijka weyn ee Hargeysa oo isbahaysigu u asteeyay shirka qaran ee maanta furmi lahaa ayaa ciidanku la wareegay, iyadoo jidadka madaxtooyada laga dareemayo ciidamo dheeraad ah.
Dhinaca kalena ku xigeenka xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani Cabdirashiid Maxamed Aadan (Jeeni), ayay boolisku xidheen iyagoo ka qabtay xarunta xisbigaasi.

Lama garanayo sababta xukumaddu talaabooyinkan u qaaday balse waxaa muuqata in xukumaddu diidan tahay shir Mucaaradku yeesho oo ay kaga arrinsadaan wixii ay ka yeeli lahaayeen xukumadda xilku ka dhammaanayo 27 July.
Dhinaca kale Guddi Salaadiinta Somaliland ka mid ah oo isku xilsaaray dhexdhexaadinta muranka cirka isku shareeray ee Mucaaradka iyo xukumadda u dhexeeya ayaa kulankii u horeeyay la yeeshay Isbahaysiga Mucaaradka oo ay waydiisteen kalsoonida inay xal u raadiyaan murankaasi, hase ahaatee labada dhinac si rasmi ah iskugumay fahmin kulankaasi.
Kulanka xalay dhex maray Guddi 7 qof ka kooban oo Salaadiintu u xilsaartay kulanka iyo Isbahaysiga Mucaaradka ayaa lafo guray suurto galnimada sidii arrintan loogu xallin lahaa wada hadal, balse Mucaaradka ayaa salaadiinta u bandhigay in arrintan ay soo afjaraan inta aan la gaadhin 27-ka bishan, sidoo kalena ay qabsanayaan shirkooda wadatashiga qaran.
Salaadiinta ayaanay dalabka Mucaaradku u cuntamin, iyagoo sheegay inaanay damaanad qaadi Karin in arrintan ay xal ugu heli karaan muddo sidaasi u kooban, sidoo kalena aanay la dhacsanayn shirka mucaaradku ku adkaysanayo ee xukumaddu diidan tahay.
Xogaha Ramaasnews ka helayso Shirkaasi ayaa sheegaya inuu natiijo la’aan ku dhammaaday balse la isku afgartay in la sii wado wada hadalka Mucaaradka iyo Salaadiinta si arrintan loo sii rog-rogo.
Dhinaca kale waxaa la filayaa in Isbahaysiga Mucaaradku shirkoodii galinka hore ee Khamiista ka furan magaalada Hargeysa, iyagoo uga digay xukumaddu inay carqaladayso balse xukumadda ayaa hore uga digtay shirkaasi lamana oga natiijada ka dhalan doonta shirkaasi.
RMS





