Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dadka Soo gelaytiga ku soo qul qulaya waddammada Yurub oo tiradoodu kor u kacday.

$
0
0

Qaxootiga YurubAwdalpress – London – Tirada dadka soo galootiga ee ku qulqulaya qaaradda Yurub ayaa illaa Bishii July sare u kacay, waxayna tiro ahaan gaadheen 170 kun oo qof oo jidad qaldan ka soo galay Yurub.

In ka badan 40 kun oo qof ayaa bishii June halkaasi gaadhay, taas oo ka badan tirooyinkii hore loo diiwaan geliyey.

Laanta koontorollada xuduudaha midowga Yurub ayaa sheegay in xaalad degdeg ah ay arrintani u baahan tahay, waxayna ku baaqeen in si dhaqso ah loo caawiyo dalalka safaka hore ku yaalla, sida Giriigga, Taliyaaniga iyo Hungary.

Jarmalka oo tirada ugu badan ee dadkaasi qaabishay ayaa waxaa sare u kacay dadka ay sanadkan oo keli ah megengelyada siisay, taas oo gaartay 750 kun oo qof.

Dadka ugu badan ee tahriibaya oo ka kala tagay, Suuriya, Afghanistan iyo dalalka Afrika ee Saxaaraha ka hooseeya waxay ka cararayaan faqri ama nabad la’aanta.

 

BBC


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images