Awdalpress – Cadaado – Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu Sunna Wal Jamaca Cabdullaahi Xirsn Diirshe Prof Daacad ayaa lagu soo waramayaa in Magaalada Cadaado ay ku xireen Ciidamada ammaanka Maamulka Galmudug.
Ciidammada ayaa guri uu degnaa Madaxweyne ku xigeenka kala baxay waxana ay geeyeen Xabsi kadib markii ay uga shakiyeen inuu carqaladeynaayo wada xaajoodka ka dhexeeya Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna wal-jameeca.
Sababta ka dambeysa xadhigga madaxweyne ku xigeenka Maamulka ahlusunadda goboladda dhexe ayaan ilaa hadda shaacinin.
Amarka lagu xidhay Madaxweyne ku xigeenka ayaa la sheegayaa in laga bixiyey xafiiska Madaxtooyada Maamulka Galmudug, sidaana ay Ciidammadu ku xidheen.
Illaa hadda ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Ahusunnadda Goboladda dhexe.
Awdalpress





