Awdalpress(Muqdisho) 31 Aug. 2015-Natiijada qiimeyntii ugu dambeysay ee lagu sammeeyey Heerka Isku filnaanso ee Cuntada iyo Nafaqada Soomaaliya, oo manta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho, ayaa muujineysa in xaaladda bani aadannimo ee dalka ay weli tahay mid laga wel-welo.
Marka lala bar-bardhigo lix bilood ka hor, tirada dadka wajahaya xasarado dhanka cunnada ah ama xaalad deg deg ah ee Soomaaliya, ayaa sare u kacday 17 boqolkiiba, ayada oo gaartay 855,000, halka markii hore ay ka ahayd 731,000.
Sidoo kale, tirada dadka ku sugan xaalad baahi cunto ah, ayaa weli ah 2.3 milyan oo qof. Horumar la’aantan ka jirta dhinaca cunada Soomaaliya, ayaa loo sababeynayaa ayada oo roobabkii Gu’a ay joogsadeen xilli hore, taasi oo keentay inuu yaraado wax soo saarkii beeraha.
Guud ahaan 3.1 oo qof oo Soomaaliya ku sugan ayaa u baahan kaalmo bani aadannimo, sida uu sheegay xafiiska isku xiraha QM ee howlaha bani aadannimo ee Soomaaliya.
“Heerka cunto iyo nafaqo yari ee Soomaaliya waa mid aad halis u ah. Dadka ka shaqeeya arrimaha bani aadannimada iyo deeq bixiyayaasha, ayaa ka hor tagay in arrintan ay kasii xumaato sida ay iminka tahay, balse waxaan u baahannahay in wax badan la qabto” waxaa sidaas yiri isku xiraha QM ee howlaha bani aadannimo ee Somalia Peter de Clercq.
COA





