Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degaanka Janaale ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in la burburiyey buundada dul-marta webiga Shabelle ee degmadaas hareer mara
Buundada Janaale ayaa waxaa isticmaali jiray gaadiidka u kala goosha degaanka Janaale iyo degaano ay ka mid yihiin Qoryooley, Aw-dheegle iyo meelo kale.
Burburinta buundada ayaa ku soo aadaysa xili saaka dagaalo culus ay ka dhacayeen degaanka Janaale ka dib markii xoogaga Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisin ciidamada AMISOM ku leeyihiin degaankaas iyagoo halkaas ku laayey askar badan, saldhigoodiina la wareegay.
Wararka qaar oo laga helayo dadka degaanka ayaa sheegaya in buundada Janaale ay si ulakac ah u burburiyeen xoogaga Al-shabaab ee halkaas qabsaday si ay aysan uga soo gudbin ciidamo ka tirsan AMISOM oo la sheegay in gurmad ahaan looga diray diray degmada Qoryooley iyo degaano kale. isha ku hay
Awdalpress.com
Awdalpress.com
Rag Is Baray






