Awdalpress – London – Boqorka Beelaha Habar Jeclo Boqor Buur Madaw ayaa si cadho leh dhulka u jiid jiiday Suldaanka Subeer Awal oo si ba’an u dhalliilay xukuumadda Siilaanyo. Kuna eedeeyey dhul boob, musuq maasuq iyo xasuuq. Mana aha markii ugu horreysey ee uu Suldaanka Subeer Awdal afka furto, waxana uu dhawr jeer oo hore sidan oo kale u dhalliilay xukuumadda Siilaanyo, balse dhawaqani waa mid saa’id ah oo uu xukuumadda ku eedeeyey xasuuq in ay u geysteen dadka reer Hargeysa.
” Ma sinnin aniga iyo ninka Afhayeenka Suldaanka Subeer Awal sheegtay. Beeshayda iyo beesha Subeer Awal hagbad ( kursiga ugu sarreeya dalka Somaliland ) ayey kuwada jireen, annagu gacantayadii waan qaadannay. Laakiin reerka Subeer Awal uma muuqdaan in ay hanan doonaan. Haddii ay aamminsan yihiin sidan uu ninkan Suldaanka sheegtay u hadlayana annagu ugu codayn mayno. Balse u malayn maayo in uu ninkani yahay Suldaanka reerkaa matila.” sidaa waxa yidhi Boqor Cisman Buur Madaw. Isaga oo hadalkiisii sii wata, waxa uu yidhi, ” Ma sinnin aniga iyo ninkan Suldaanka sheegtaa, oo aniga waa la i doortay isagase lama dooran, waxana uu inna leeyahay waxan ahay ku sime, ku-simena maaha in uu sidan u hadlo. Beelaha in uu kala fogeeyana maaha. Waana nin af la meer ah, oo sida ciyaala suuqa u hadla. Suldaankii beesha Subeer Awalla waa xayi waana Suldaan Abdirahman, waxana uu joogaa Emaratka. Beesha Subeer Awal iyo saldanaddeedana ixtiraam ayaan u haynaa, taariikh ayey dalkan ku leedahay, Markaa waa in ay beeshu warkeeda caddaysaa>”
Bal hadda aan wada daawanno labada video iyo sida uu hadalka Labada suldaan u kala dhacayaan.
Awdalpress





