Boorama(Awdalpress) odayaal iyo cuqaal ka soo jeeda beelaha dega Magaalada Boorama ayaa fariin u diray madaxweynaha somaliland iyo wasiirka arimaha gudaha kuwaasi oo ku eedeeyey in qayb ka mid ah dhulka laga dhisayo guriga madaxtooyada gobolka Awdal ay sharci u haystaan isla markaasina dowlada hoose cashuur ka qaaday dhawrkii sano ee ugu dambeeyey .
madaxweyne ku xigeenka saylici ayaa dhagax dhigay wallow la sheegay in qabirkii la isku ogaa oo ahaa 120×120 laga dhigay 180×120 markii uu madaxweyne ku xigeenku dhagax dhigayey bilaabida dhismahaasi .
sidoo kale maayir magaalada Boorama maxamed xuseen maydhane oo og in dhulkaasi cashuurtiisa ay qaateen ayaa ku weheliyey munaasibad lagu dhagax dhigay isaga oo gabi ahaanba dhagaha iyo indhaha ka xidhay in dhulkaasi ay leeyihiin muwaadiin reer somaliland ah.
halkan ka daawo :





