Somalida ayaa tidhaa KANAXOW NAFTA WAA.
Waar aniga oo reer Awdal ah miyaan maanta garan waayey dadka aan isku danta nahay, bulshada aan lafta iyo ludda isku nahay ee guushoodu aadka u xooggan tahay. Taasi waxa aan uga socdaa, qoraallada ka baydhsan xaqiiqada ee u adeegaya cadawga ummadda Somaliyeed amma reer Awdal ee garashadu tusi weyday in JigJigi ay mataano la tahay Borama amma gobolka Harawe ee dhalashadiisa la sugayaa uu ka tirsan yahay kililka shanaad, ee haddana gacan toglaynaya meelaha kale. ( madaxda iyo beelaha lagu aflagaadoonayana waxan leenahay raalli ka ahaada)
Goormaa la kala garan waayaa caasimad la wada leeyahay ee Muqdisho, oo loo nisbiyeeyaa beel iyo gobol dadkiisii talo ku gaadheen in ay u tashadaan. Hoos aan ugu sii dhaadhecee, bal beelaysiga loo bu’ayo marka aan hoosnimaadno, waxan aamminsanahay in Jubbaland iyo Awdal ay mataaano yihiin in ay isku heeliyaanna ay xaq tahay. Ahmed Madoobena uu cid walba uga lexe jeclo badan yahay labadaa gobol.
Walaalahayga Jubbooyinkana waxa aan mar walba ka dalbanayaa in ay isku tanaasulaan, oo ay dhiigga daadanaya joojiyaan, sidii ay weligoodba walaalaha u ahaayeenna ay ka sii wanaagsanaadaan. Laakiin marka aan sidaa leehay, waxba uma dhimayo walaahayga muqdisho, Marka amma Jawhar.
si fiican u dhageyso.
Awdalpress.com






