Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

WARAYSI VOA: Madaxweyne Guuleed oo ka hadlay wada-hadalka Ahlu-sunah, P/land, Mooshinka iyo safarkii ceel-buur

$
0
0

imgres
C/kariim Xuseen Guuleed, madaxweynaha maamulka Galmudug oo waraysi siiyay VOA ayaa sheegay in iyaga iyo Ahlu-Sunnada ku sugan Dhuusamareeb ay u socdaan wadahadallo ku aadan sidii maamulkiisa loogu soo dari lahaa, balse wuxuu sheegay in haddii wadahalladu ay guul-dareystaan aanu maamulkiisu aqbali doonin ciidan madax banaan oo jooga dhulka maamulkiisu ka taliyo.
C/kariim wuxuu sidoo kale ka hadlay xiisadda kala dhaxeysa maamulka Puntland, wuxuuna sheegay in ay socdaan wadahadallo labada dhinac u dhaxeeya.
Madaxweynaha maamulka Galmudug mar wax laga weydiiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya oo ay si weyn isugu dhow yihiin, wuxuu sheegay in xilligan aanu habboonayn mooshin dalka galiya qas iyo jahawareer.

C/kariim Xuseen Guuleed wuxuu ugu horreyn wareysiga uga hadlayaa safar isaga iyo xubno ka tirsan DFS iyo AMISOM ay ku tageen degmada Ceelbuur, halkaasi oo uu sheegay inay ka jirto xaalad aad u daran oo ka dhalatay go’doominta ay degmadaasi ku hayaan maleeshiyada al-Shabaab. C/kariim Xuseen wuxuu soo jeediyay baaq ku aadan in degmadaasi loo gurmada.
Awdalpress.com
Rag Is Baray


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles