London(Awdalpress.com)- Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka John Kerry ayaa ka sheegay magaalada London kulan uu la yeeshay dhiggiisa dalka Britain Philip Hammond in dalalka Ruushka iyo Iran ku booriyey inay adeegsadaan raadka ay Suuriya ku leeyihiin si ay madaxweyne Al-asad ugu qanciyaan inuu wadahadal galo. Dhinaca kalena, ururka dusha kala socda arrimaha Suuriya ee fadhigiisu yahay magaalada London ayaa sheegay in dagaalyahaniinta Ismaalimiyiinta ahi ay dileen 56 ka mid ah xoogaga dawladda Suuriya, iyaga oo ku dilay gobolka Idlib ee woqooyi galbeed ee dalka.
Awdalpress.com
Rag Is Baray
The post Madaxweynaha Suuriya Waa In Lagu Qanciyaa Inuu Wadahadal Xilka Kaga Dego John Terry appeared first on Awdalpress.com.