Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Faah Faahino kasoo baxaya Weerarkii Ismiidaaminta ee ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada (Daawo Sawirada)

$
0
0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar ismiidaamin gaari loo adeegsaday oo Maqribnimadii caawa ka dhacay bar koontarool oo laga galo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa la sheegayaa in lagu fuliyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu watay ruux naftiis hore ah, waxaana gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay Koontaroolka laga galo Madaxtooyada halkaas ay ku sugnaayeen ciidamo iyo gaadiid badan.
Goobjoogayaal ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay ayaa ku waramay in xiliga qaraxu dhacayay ay halkaasi marayeen gaadiid ay leeyihiin Qaramada Midoobay, kuwaa oo la sheegay in ay xarunta Madaxtooyada kasoo qaadayeen Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nocolas Kay oo xiliga qaraxu dhacayay ku sugnaa Madxatooyada.
Waxaa qaraxa Ismiidaaminta ah ka dhashay Qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidamo katirsan Dowlada iyo dad Shacab ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay, walina si rasmi ah looma oga inta ay la egtahay qasaaraha ka dhashay qaraxaasi.
Dadka ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa waxaa u gurmaday goobtana ka qaaday gaadiidka gurmadka deg dega ee Amplaasta, waxaana wali xiran halka uu qaraxu ka dhacay halkaas oo lagu arkayo ciidamada Dowlada Soomaaliya oo aad u hubeesan.
Dowlada Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga hadlin qaraxaasi ka dhacay afaafka hore ee xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo aheed goob si weyn amaankeeda loo adkeenayay , waxaana xiliga qaraxu dhacayay xarunta Madaxtooyada ku sugnaa masuuliyiin Soomaali ah iyo wakiilo kasocda beesha caalamka oo ka qeyb galayay gunaanadka shirka looga hadlayay aayaha Soomaaliya.

????????????????

????????????????


????????????????

????????????????

????????????????

????????????????


Awdalpress.com
BY Muuye

The post Faah Faahino kasoo baxaya Weerarkii Ismiidaaminta ee ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada (Daawo Sawirada) appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles