Wararkii ugu danbeeyey ee jiida dagaalka ayaa sheegaya in xabadii goordhawady qaboowdey, isla markaana ciidamadi labada dhinac ay isku horfadhiyaan halkii saaka dagaalku ka qaraxay, wararku waxay sheegayaan dhanka maamulka Puntland ee ciidankooda dagaalka ku jirey uu hogaaminayey nin lagu magaacabo Caynaanshe, kaasoo ka mid ah saraakiisha ciidamada daraawiishta la baxay ee Puntland.
Khasaaraha dagaalka ayaa la sheegay inuu yahay shan ruux oo dhinacyada dagaalamayey ah, kuwaasoo lagu kala sheegay 4 ruux oo oo ka soo jeeda deegaanka Galkacyo iyo hal ruux oo dhanka Qoriley ah balse weli aan la xaqiijin geeridiisa, inkastoo wararku weli ay yihiin kuwa teel teel ah isgaadhsiinta oo xun awgeed ayaa dagaalku ahaa mid markii hore ku bilowday qaab beeleed oo labadii maleeshiyo beleed dhexmaray.
Balse goordanbe ay cidamada Puntland ku biireen ka dib markii dhankii ay fadhiyeen loo soo durkiyey maleeshiyaadka ka soo jeeda Waqooyiga Gaalkacyo, waxana la sheegy in ciidamada Puntland adeegsadeen hubka waa weyn ee Tiknikada, waxana warar intaas ku darayaan in dhankooda khasare gaadhay.
Ilaa hada ma jirto cid nabadeyn ah oo waan waan wax ku Ool ah ka dhex wada coladaas ka dilaacday gobolada Sool iyo Mudug, colaadan ayaa dadka odorasa arimaha goboladaasi sheegeen inay nooceeda ugu danbeysay sanadkii 1955 dagaalkii DHula dheer, kaasoo ahaa mid xasuusiyey dad badan kan maanta ka taagan deeganadaasi.
Inkastoo colaadani ay soo jiitamaysay 13kii sano ee ugu danbeeyey hadana marna ma aysan dhicin dagaalo safeyn ah oo hubka waa weyn la isku adeegsado, marka laga reebo gaadooyin iyo Korjoogtooyin reer Beede ah oo is laynayey, maamulka Abdulweli Ali Gaas ayaa lagu Eedeynayaa inuu hurinayo colaadaas labada beelood oo hada u eg in dhanka Puntland ay si buuxda u siyaasadeeyeen.
The post Dagaal saaka ka qarxay Maygaag-layaal oo istaagay iyo Wararkii ugu danbeeyay appeared first on Awdalpress.com.