Muqdisho (Awdalpress.com) –Fannaanada codka dananka leh ee Farxiya Kabayare ayaa barteeda Facebook ku shaacisay in showgii ay taageerayaasheeda ugu qaban laheyd Muqdisho sanadka cusub ee 2016-ka laga hor istaagay, isla markaana hotelkii ay qabsatay loo diiday in ay ku qabato bandhig faneedkeeda.
Kabayare ayaa taageerayaasheeda u sheegtay in hotelka City Plaza kaliya lagu qabto bandhig faneedyada, sidaasi darteedna loo sheegay in aysan kusoo lug go’in maadaama ay imaanayaan fannaaniin kale.
Waxay si gaar ah u eedeysay shaqsi aysan magacaabin inuu ka danbeeyay xayiraada la saaray, isla markaana ay tilmaamtay in uu hotelka qofkaasi u xayiran yahay, fannaan uu isaga wadanin uusan show ku qaban karin Hotelka City Plaza, Waxay ayaandaro ku tilmaamtay in gabar fannaanad Soomaaliyeed ah sidaasi loola dhaqmo
Shabakada/Awdalpress.com
The post Daawo: Farxiya Kabayare oo loo diiday inay XAMAR ku qabsato Show oo fariin Cadho leh soo dirtay iyo Nin ay qarisay appeared first on Awdalpress.com.








