Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Angela Merkel Oo Booqatay Turkiga Xaqiijisayna dareenka dadka Turkiga ah ee muddada badan deggenaa dallka Jarmalka

$
0
0

Capture200
Ankara(Awdalpress.com) Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo maanta booqatay Waddanka Turkiga ayaa iyadoo wadahadallo la yeelatay madaxda dalkaasi waxa ay sheegtay in wada hadalladu ay ku saabsanaayeen sidii culayska loola qaybsan lahaa Turkey-ga, iyada oo qirtay cadaadiska Turkey-ga ka haysta martigelinta laba milyan oo qaxooti reer Suuriya ah iyo boqollaal kun oo Ciraaqiyiin ah.
Waxana ay sidoo kale sheegtay in Midowga Yurub ay gacan dheeraad ah siin doonaan Turkey-ga. Laakiin hoggaamiyaha Jarmalku, waxay mar kale ku celisay in aanay doonayn in Turkey-gu ay ku biiraan Midowga Yurub, sidaas awgeed ballan qaadyada ah in la dedejiyo soo gelitaanka Turkey-ga ee Midowga Yurub waxay u muuqdaan kuwo aad u fog. Waxaa intaas dheer, Turkey-gu waxay ku dheggan yihiin in dhibaatada qaxootiga lagu xalliyo halka ay ka imanayso.

Dhinaca kalena Ra’iisal wasaaraha Turkey, Axmed Davutoglu, waxaa uu yidhi, ‘ Waa in aag ammaan ah laga sameeyo dalka Suuriya gudihiisa’. Fikraddaasi oo reer galbeedku aanay aad u taageersanayn.

Dadka wax naqdiya ayaa sheegaya in booqashada Mrs Merkel ay siin doonto madaxweyne Endogen taageero hagar la’aaneed iyadoo laba toddobaad oo keliya ay ka hadhsan tahay doorasho ka dhici doonta dalka Turkey, ayna indhaha ka qabsanayso dhibaatooyinka waaweyn ee xuquuqda aadanaha oo dalka Turkey-ga ka jira. Hase yeeshee siyaasad dhab ah ayay u tahay Mrs Merkel iyo run ahaantii Midowga Yurub oo Turkey-ga haatan ugu baahan si intii hore oo dhan ka badan.
Shabakada/Awdalpress.com

The post Angela Merkel Oo Booqatay Turkiga Xaqiijisayna dareenka dadka Turkiga ah ee muddada badan deggenaa dallka Jarmalka appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images