Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Somaliland oo si rasmi ah u wareejisay haamaha shidaalka Berbera

$
0
0

imageAwdalpress(Hargaysa) 19 Oct. 2015-Wasiirka ganacsiga Somaliland, Muuse Qaasim, ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in haamana kaydka shidaalka ee Berbera lagu wareejiyay lix shirkadood oo si gaar ah loo leeyahay.
Maamulka Somaliland ayaa shirkadahan ganacsi ka kireeyay haamaha, oo wareejintooda uu ka dhashay muran xooggan.
Isagoo la hadlayay BBC, wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda ganacsiga ay muddo 20 sano ah haamaha shidaalka ka kireysay shirkadaha ganacsiga.
In kastoo uusan sheegin magacyada shirkadahan, haddana wuxuu sheegay in shirkadahan ay horeba shidaalka u keeni jireen Somaliland.
Wasaaraddiisa ayuu sheegay inay awood buuxda u lahaan doonto kantaroolka iyo hubinta tayada shidaalka ay shirkadahan dalka keenayaan.
Axaddii shalay ayaa shirkadahan lagu wareejiyay maamulka haamaha kaddib xaflad lagu qabtay magaalada Berbera, oo saxaafadda loo diiday inay ka soo qeybgasho.
Baarlamaanka Somaliland ayaa horey cod aqlabiyad ah ku diiday in haamaha kaydka shidaalka ee Berbera lagu wareejiyo ganacsato gaar ah, kuwaas oo aan tartan furan u soo marin.
RBK

The post Somaliland oo si rasmi ah u wareejisay haamaha shidaalka Berbera appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images