Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Nin Somaliyeed oo ka mid noqday golaha Baarlmanka dalkaCanada

$
0
0

Ahmed Hussen oo ah sharci yaqaan Somaliyeed, ayaa noqon doona Soomaaligii ugu horreeyey ee gala baarlamanka dalka Canada, kadib guul uu ka gaadhay doorashooyinka dalkaas ka dhacay shalay illaa xalay.

Ahmed Hussen, oo ka tirsan xisbiga doorashada ku guuleystay ee Liberal-ka ayaa tartanka kasoo galay xaafadda degmada York, South—Weston ee Toronto, wuxuuna ka adkaaday Mike Sullivan oo ka tirsan xisbiga New Democrat, oo kursiga horey ugu fadhiyey.

Ahmed waxa uu dalka Canada tagay sanaddii 1993-kii, isaga oo ka baxay jaamacadda York University, oo uu taariikhda ka bartay iyo Jaamacadda University of Ottowa oo uu ka bartay sharciga, sida uu ku sheegay website-kiisa shaqsiga ee doorashada.

Dhinaca kale, Justin Trudeau ayaa noqon doona ra’iisul wasaaraha xiga ee dalka Canada kadib markii uu xisbigiisa Liberal-ka ku hoggaamiyey guul weyn oo ay ka gaareen doorashooyinkii baarlamaaniga ahaa.

Taleefishinka Canada CBC ayaa ku warramaya in xisbiga Liberal-ka uu hanan doono in ka badan 180 ka mid ah 338-ka kursi ee baarlamanka, halka xisbiga muxaafidka ee ra’iisul wasaare Stephen Harper uu helayo 104 kursi, ayada oo xisbiga New Democrat-na uu kaalinta saddexaad ku galayo kaliya 36 kursi.

Trudeau ayaa ku dhowaaqay guushiisa, isaga oo taageerayaal badan kula hadlay magaalada Montreal xalay.

Axmed Cali Sheekh, ayaa guusha Ahmed Huseen iyo doorashadii Canada ka warreysaty Muuse Kuulow oo ah tifaftiraha wargeyska Somali Tribune, kuna sugan Toronto.

Source: VOA.

The post Nin Somaliyeed oo ka mid noqday golaha Baarlmanka dalkaCanada appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images