Awdalpress(Muqdisho) 01 Nov.2015-Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay weerar aroortii hore ee saaka lagu qaaday hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.
Rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa isticmaalay gaari laga buuxiyay walxaha qarxa oo ay ku qarxiyeen dibadda hoteelka, kaddibna waxay weerareen dhismaha hoteelka, sida ay boolisku sheegeen.
Hoteelka Saxafi oo u dhow isgoyska K4 waxaa aalaaba isticmaala xildhibaannada, mas’uuliyiinta dowladda, booqdeyaasha ajaaniibta ah iyo weriyeyaasha.
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa labo saac kaddib weerarka u suurtagashay inay dib ula wareegaan hoteelka.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uulliyadda weerarka.
RBK
The post WAR DEG DEG AH: Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho oo la qarxiyey. appeared first on Awdalpress.com.





