Magaalada Ceerigaabo waxa maanta ka dhacay iska hor imaaddo u dhexeeya ciidanka Booliska iyo dad shacab ah kuwaas oo difaacaya saraakiil la doonayay in la qabto.
Waxa jira dhaawacyo isugu jira kuwo culus iyo qaar fudud oo ka dhashay Iska hor imaadka.
Rabshadan ayaa ka danbeeyay ka dib markii ciidanka Boolisku ay isku dayeen in ay soo qabto sarkaal la sheegay in lagu tuhmayo in uu hub kala soo degay mid ka mid ah dekeddaha macmalka ah ee gobolka Sanaag balse ay la kulmeen rag hubaysan oo difaacaya sarkaalka lagu socday.
Warar dheeraad iyo muuqaallo goor dhaw ayaan Idin la wadaagaynaa
The post Iska Hor-Imaad Ka Dhacay Ceerigaabo +Sawiro appeared first on Awdalpress.com.