Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Soomaaliya oo ka qaybgalaysa shirka dhaqaalaha waddammada muslimka ah

$
0
0

IMF-SOMALIA-720x340

Awdalpress(Kuweit) 11 Nov. 2015–Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya, Maxamed Aadan Ibraahim ayaa gaaray dalka Kuweyt oo uu uga qaybgalayo shirka dhaqaalaha waddammada Islaamka.
Shirka oo ay qaban qaabisay hay’adda lacagta adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMF ayaa lagu wadaa inuu Kuweyt ka furmo barrito oo Khamiis ah.
Wafdiga ayaa sidoo kale kulammo gaar ah la qaadan doona mas’uuliyiin ka qaybgalaysa shirka.
Wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka kala tirsan safaaradda Soomaaliya ee Kuweyt iyo dowladda dalkaas.

RBK

The post Soomaaliya oo ka qaybgalaysa shirka dhaqaalaha waddammada muslimka ah appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles