Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Xubnaha Cusub ee Xisbiga Wadani Ee Dalka Ingiriiska oo Kulan Is Barasho ah isugu Yimid+Daawo Sawiradda

$
0
0

IMG_8251

Kulan si  heer saraysa loo soo agaasimay ayna ka  soo qayb galeen Xubnaha Hogaanka cusub  ee Xisbiga Waddani UK, Madaxda  Laamaha Gobolada, Xubno ka tirsan Gudiga Fulinta Xisbiga ee heer Qaran  iyo Xubno fir-fircoon oo ka tirsan taageerayaasha Xisbiga Waddani ayaa  ka dhacay xalayto oo bishu ahayd, 21 July 2013 hoolka shirarka ee  hudheelka loo yaqaan Food Palace oo ku yaala Xaafada Acton ee Galbeedka  Magaalada London. Kulankan oo muhiimadiisu ahayd:

IMG_8362

 

1)  is-barashada Xubnaha Maamulka Golaha Sare ee cusub Xisbiga Waddani Laantiisa UK. 2) Dar-dar gelinta hawlaha baaxada leh ee hor yaala Gudigan la doortay. iyo arimo kale oo badan.

align=justify>IMG_8390

Ugu horayn Gudoomiyaha Waddani UK Mud. Axmed Cali  Naahi ayaa akhriyey liiska Guddi ka kooban Labaatan Xubnood oo noqon  doona hawl-wadeenada ugu sareeya Xisbiga Waddani UK, iyadoo xubin walba  loo cayimay xil shaqeedkeeda. Waxa iyagauna hadalo qiimo leh madasha  kazoo jeediyey Gudoomiye ku xigeenada UK oo tilmaamay muhiimada iyo  awooda xilalka loo doortay. Waxa sidoo kale hadalo xambaarsan warbixin  iyo dardaaran madasha kazoo jeediyey Hussein-Asad iyo Cabdalla Saleebaan Dafle oo metelaya Guddigii dibu-dhiska iyo dardargelinta ee mudoba ku  hawlanaa soo xulista xubnaha hogaanka cusub. Ugu dambayn waxa la isla  qaatay in la qabto Shirwaynihii guud ee Xisbiga Laanta UK sida ugu  dhakhsiyaha badan si loogu ansixiyo xubnahan cusub ee noqonaya Hogaanka  Xisbiga ee UK. Waa kuwan magacyada xubnahaasi iyo xilalka loo igmaday

 waddani

Tiro  Magaca Xilka
1. Mud: Axmed Muxamed Ali (Naahi)   Gudoomiyaha UK
2. Mud:Cabdirahman  Cabdillahi    Amiin   Gud/xigeenka 1aadUK
3. Mud: Keenadiid Cabdillaahi Jaamac Gud/xigeenka 2aadUK  
4. Mud: Sheekh  Aniis Sh.Maxamed (Darwiish)   Gud/xigeenka 3aadUK  
5. Mud: Cabdalla Cali Muuse Gud/xigeenka 4aadUK  
6. Mud: Mustafa Abdillahi Ali Xoghayaha Guud UK  
7. Marwo: Faakhir Dahir Axmed   Khasnajiga Guud UK
8. Mud:Qaasim Adan Saleeban   Afhayeenka UK
9. Mud: Mubarak Hillaac Maxamed   Hanti dhowraha Guud UK
10. Marwo:Nuura Axmed Naasir   Gud. Garabka Haweenka UK
 11. Mud: Samakaab Cumar Aadan   Gudoomiyaha Dhalinyarada UK
12. Mud: Muxamed Muxamud Cilmi   Lataliyaha Gudomiyaha UK
13. Mud: Axmed Jamac Xiirey Gud. Gudidda Arimaha Bulshada&Samfalka UK
14. Mud: Najiib Maxamud  Cusman   Gud. Gudidda Siyaasadda UK
15. Mud: Yusuf Abdillaahi Adan   Gud. Gudiga Dhaqaalaha UK
16. Mud: Xassan Jamac Ciise   Gud. Maamuuska &Protokolka UK
17. Mud: Mahdi Jama Rodol   Gud. Gudidda Saxaafadda UK
18. Mud: Hassan Hussein Roble (Nabaado)   Gud. Gudidda Anshax marinta UK
19. Muj: Cabdillahi Xassan Maxamud(Dhegawayne)   Gud. Guddiga Abaabulka UK
20   . Mud: Axmed Xasan   Xidhiidhiyaha Guud UK

IMG_8244

Xubno badan oo goobta ka hadlay ayna ka mid  ahaayeen, Gudoomiyaha Laanta UK, Mudane Ahmed Ali Nahi, Gudoomiye ku  xigeenada Mudane A/rahman Amiin iyo Mudane Keenadiid Jama, Xoghayaha  Xisbiga UK Mudane Mustafe A/llahi, Gudoomiyaha Arimaha Khaaska ah ee  Xisbiga Waddani heer Qaran Mudane Husein Asad, Agaasimihii hore ee  Wasaarada Arimaha Dibada S/land hadeerna ah Xubin Gudiga Fulinta Xisbiga Waddani ee heer Qaran Mudane Mohamud Rage, Mudane Cabdalla Saleebaan  Dafle oo ah Xubin Gudiga Fulinta Xisbiga Waddani,  Gudoomiyayaasha  Xisbiga ee Laamaha Sheffield iyo Milton Keynes iyo weliba xubno kale oo  aad u tiro badan, ayaa dhamaantood ka dhawaajiyey sida loogu baahan  yahay in loo diyaar-garoobo Jid dheer oo Qodxan badan si loogu guulaysto himilada iyo qorshayaasha Xisbiga Waddani uu ku doonayo inuu Dalka iyo  Dadka wax ugu qabto; qorshayaashaas oo ah kuwa uu Xisbiga Waddani ku  mutaystay quluubta taageerayaasha ugu badan ee Gudaha Waddanka S/land  iyo dhamaanba Waddamada Debadahaba, waxa guushaas lagu gaari karaana waa Isku-duubni, Dulqaad, Wadashaqayn iyo Dadaal ay la yimaadaan dhamaanba  Hogaanka iyo Xubnaha Xisbigu gaar ahaana kuwa Laanta UK. 

IMG_8237

Shirkan oo ahaa mid xubnahani ku wada Afureen  wakhti wanaagsana isla qaateen ayaa iyadoo laga faa?iidaysanayo bisha  barakaysan ee Ramadaan xubnihii ka soo qaybgalayi u duceeyeen dhamaan  Ummadda reer S/land iyo Shucuubta Islaamka ah ba. Kulankan ayaa ku soo  gabagaboobay jawi aad u wanaagsan, Is-afgarad iyo farxad iyadoo dhamaan  xubnihii ka soo qaybgalayna muujiyeen siday diyaarka ugu yihiin  dardargelinta hawlaha Xisbiga. 

IMG_8373 IMG_8346 IMG_8377 IMG_8333 IMG_8385 IMG_8398 IMG_8340 IMG_8390

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani UK

Abdirahman Amin

Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images