
Militants of al Shabaab ride on pick-up trucks after displaying their weapons on the outskirts of Mogadishu, December 8, 2008. The hardline Islamist insurgent group al Shabaab has taken control of a central Somali trading town after fighting that killed at least 13 people and wounded dozens of others, residents said. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA)
Awdalpress(Kismayo) 12 Nov 2015–Garabyo iska soo hor jeeda oo ka wada tirsan Al-Shabaab ayaa Arbacadii shalay ku dagaallamay deegaan u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Raamo oo 30 km dhinaca bari ka xiga magaalada Saakow kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan kooxda ay weerareen meel ah isku urursaneyeen maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay taabacsan yihiin ururka ISIS.
Sagaal maleeshiyo oo labada dhinac ka tirsan ayaa dhintay siddeed kale way ku dhaawacantay iska horimaadka.
Mid ka mid ah horjoogeyaasha garabka taageersan ISIS ayaa ka mid ah kuwa la dilay, sida ay sheegayaan ilaha deegaanka.
Qaar ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa ugu baaqay kooxda inay soo afjarto baycada ay kula jirto Al-Qaacidda, ayna heshiis la gasho kooxda ISIS – fikrad ay si wayn uga soo horjeedaan horjoogeyaasha sare ee kooxda.
Afhayeenka Al-Shabaab ayaa hadal uu sheegay toddobaadkii la soo dhaafay wuxuu ku sheegay in kooxdiisa aanay ogolaanayn in la kala qeybiyo kooxda, isagoo sheegay in kuwa lagu helo “inay qeybinayaan Muslimiinta” gacan adag lagu qaban doono.
Toddobaadkan, kooxda ISIS ayaa soo saartay muuqaal muujinaya koox dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Puntland oo bayco la galaya hoggaamiyaha ISIS, Abu Bakar Al-Baghdadi.
RBK
The post 9 ku dhimatay dagaal Al-Shabaab ku dhex maray Jubbada Dhexe appeared first on Awdalpress.com.