Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

HARGEYSA(HWN):-SHAQAALAHA KA HAWL GALA WASAARADA XANAANADA XOOLAHA SOMALILAND AYAA CABASHO BALAADHAN KA MUUJIYEY HAB DHAQANKA AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADAASI.

$
0
0

x

Shaqaalahan ayaa cabashadooda ku saleeyey dhaqano ay sheegeen inuu agaasimaha guud ee wasaaradaasi kula dhaqmayo shaqaalaha ka hawl gala, waxaanay tilmaameen inuu shaqaalaha wasaarada si gaar ah u bartilmaameedsanayo mushaharkooda iyo kala qaybinaya shaqaalaha wasaaradaasi isla markaana soo kala dhawaysta.

Qoraal ay shaqaalaha cabanayaa ka soo saareen magaalada Hargeysa oo soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa u dhignaa sidan “
Tacadiyada iyo ku tumashada sharciga shaqada iyo shaqaalaha ayaa wax caadi ah iska noqday marka aad joogto wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland, taas oo wasaarada dhaxalsiisay in la kala garan waayo inay tahay xafiis dawladeed iyo inay tahay guri nin iska leeyahay, taas oo ay sabab u tahay eexda qabyaalada ku salaysan ee agaasimaha guud ee wasaaradaasi kula dhaqmo shaqaalaha wasaarada.
Agaasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha Jaamac Axmed Odowaa ma aaminsana inay wasaaradu tahay meel dadka reer soomaliland wada leeyihiin,balse waxa uu u haystaa guri uu isagu iska leeyahay, iyada oo sabab tahay isaga oo aan aqoon, waayo aragnimo iyo garaad toona u lahayn habka maamulka dawliga ah, xanaanada xoolaha iyo horumarinta xoolaha toona, mudadii uu joogayna aan wax qabad muuqda ka hir gelin wasaarada xanaanada xoolaha.

Agaasimaha guud waxa u wasaarada ku hogaaminayey siyaasad dib u socod ah,halka ay shaqaalihiina la soo daristay niyad jab, dhaqaale daro, iyo shaqo la,aan, iyada oo guud ahaan shaqaalaha wasaarada xanaanada xooluhuna kor u dhaafayaan 400 qof, xaruntana ay ku qoran yihiin in ka badan 200 qof, waxaana guno qaata oo kaliya shanta agaasime waaxeed.

xanaanada

Shaqaalaha wasaaradu ma haystaan gaadiid qaada oo ay subaxii ku soo shaqo tagaan, mana laha gaadiid ay ku fuliyaan shaqooyinkooda miyyiga, inta badana agaasimaha guud waxa uu ku andacooda inaanay wasaaradu lahayn dhaqaale badan, aqoon daradiisana markii uu ku guul daraystay inuu shaqo abuuro waxa uu shaqaalihii masaakinta ahaa eee marka horaba aan dhaqaale mushahar dhaafsiisan oo bilna laga goosto bilna la siiyo heli jiray ayuu hadana ka wada goostay, waxaanu qaata go,aan kaligii ku kooban oo aan meelna ka soo galin sharciga shaqada iyo shaqaalaha.
Marar badan oo ay shaqaluhu isku dayeen in ay kala hadlaan sababta dhabta ah ee uu mushaharkooda u goostay jawaab ay ku qancaan kamuu siin, wuxuu ku cel celiyaa waa siyaasada kulmiyaha cusub, ee muuse biixi, agaasimaha oo ka faa,iideysanaya aakhirka miisaaniyad sanadeedka iyo tartankii kulmiye ee wasiirka iyo madaxtooyaduba ku mashquul sanaayeen wuxuu si badheedh ah u goostey mushaharka shaqaale tiradoodu dhan tahay 27 una badan dhakhaatiir, manuu sheegin sabab looga goostay iyo wax lagu qabanayo toona, mushahar goyntana waxa sal u ah qabyaalad iyo nacayb.

Si kasta ha ahaatee, waxa ayy shaqaalahani ku dul meerayaan wasaaaraddii, iyaga oo ka waayey gar iyo garawshiiyo wax aan ka ahayn hanjabaad iyo musharkaagii anaa qatee kaalay iga qaad. Shaqalahan qaarbaa dhawr bilood maraya oo muddadaasba rajaynayey in arintooda hoos loo eego ilaa ay gaadhey in warqad ka soo baxdey xafiiska agaasimaha guud oo uu ku xalaashanayo cunida mushaharka masaakiintaa isagoo ku soo beegay maalmihii tartanka kulmiye ee ay wasiirka iyo wasiir ku xigeenkuba ku mashquul sanaayeen tartankaaas, imikana wuxuu ku cel celiyaa waa si yaasada kulmiyaha cusub isagoo meeshaba ka saara dawlada dhisan ee siilaanyo iskuna qanciyey in aanu dawladan kaba amar qaadan.
Haddaba, shaqaalahan lagu tacadiyayo waxay madax weynaha ka codsanayaan in aanay mutaysan in laysugu daro shaqo kuu diri maayo ha soo shaqo tagin shaqo kuuma hayee soo lugee,markay bishu dhamaatana lacag ma lihid ,mudane madax weyne waxay maraysaa wasaaradii xanaanada xooluhu in uu qofku qoladiisa soo badelo si uu mushaharkiisa u qaato.
Xigasho: Hadhwanaagnews.com/Officesa

The post HARGEYSA(HWN):-SHAQAALAHA KA HAWL GALA WASAARADA XANAANADA XOOLAHA SOMALILAND AYAA CABASHO BALAADHAN KA MUUJIYEY HAB DHAQANKA AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADAASI. appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images