Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ehelka Mid Ka Mid Raggii Fuliyey Weerarkii Paris Oo La Xiray

$
0
0

Dadka la xiray ayaa lagu soo warramayaa in ay ku jiraan, aabaha ninka la sheegay in uu ku jiray raggii fuliyey weerarradii Paris, walaalkiis iyo dumaashidiis.

Cumar Ismaaciil Mustafe ayuu boolisku sheegay in uu ka mid ahaa toddob nin oo fuliyey weerarradii Paris ka dhacay, kaasoo ku dhintay in ay weerarradaasi socdeen.

Xeer-ilaaliye Faransiis ah ayaa sheegay in Cumar uu horay diiwaanka ay ugu jireen dembiyo badan oo uu galay, balse dembiyadaasi ay ahaan kuwo aan la xiriirin arrimaha argagixisonimada.

Saraakiisha Faransiiska ayaa sidoo kale sheegay in meyka mid ka mid ah raggii weerarrada fuliyey laga helay baasaboor Siiriyaan ah, taasoo keentay walaac ah in ninkan uu ku soo dhexdhuuntay qaxootiga tirada badan ee ku qulqulaya qaaradda Yurub.

Sarakiisha ayaa sidoo kale sheegay in maanta la helay gaari ay wateen raggii weerarrada fuliyey, gaar ahaa kuwii weerarka ku qaaday maqaayada ku taalla magaalada Paris.

source :VOA.

The post Ehelka Mid Ka Mid Raggii Fuliyey Weerarkii Paris Oo La Xiray appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images