Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

DAAWO: Ciidamada kala taabacsan Puntland iyo Galmudug Oo ku dagaallamay Gaalkacyo

$
0
0

GaalkacyoUgu yaraan laba qof ayaa dhimatay, qaar kalana way dhaawacmeen kaddib markii maanta uu iska hor-imaad muddo kooban socday uu ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Goob-joogayaal ayaa u sheegay Bar-kulan in dagaalku ka billowday dhismaha wado laami ah oo ay Puntland ka dhiseyso Gaalkacyo, taasoo isku xirta qeybaha magaalada. Muranka ka dhashay dhismaha jidka ayaa sababay gacan ka hadal dhexmaray labada dhinac.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa kamid ahaa dhinacyada dagaaallamay.

Odayaal dhaqameed ka soo jeeda labada maamul ayaa markii dambe kala dhexgalay ciidamada oo ku guuleystay in ay iska hor-imaadka qaboojiyaan sida ay goob-joogayaashu xaqiijinayaan, iyadoo hadda ay degan tahay xaaladda magaalada.

Halkan Ka Daaw0:

The post DAAWO: Ciidamada kala taabacsan Puntland iyo Galmudug Oo ku dagaallamay Gaalkacyo appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles