Hargeysa(Awdalpress) Madaxdhameed ka soo kala Jeeda Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe iyo Murashax Jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jaamal Cali Xussen ayaa Kulamo kala duwan ku kala yeedhay Hotel Ambasador iyo Guri ku yaala Xaafada Sheekh Madar.
Kulamadan oo ahaa mid laga hadlayey sidii loo xaalin lahaa Khilaafka ka dhex curtay Hogaanka Sarre ee Xisbigaasi ayaa lagaga dooday sidii xisbiga Ucid uu u noqon lahaa mid midnimadiisu sii warta lana heshiisiyo Guddoomiyaha iyo Murashax.
Kulanka ka Dhacay Guri ku yaalla Xaafada Sheekh Madar oo ay goob jog ka wada ahayeen Saladiinta Gobolka Saaxil iyo Koonfurta Hargeysa ayaa wax lagu go’aamiyey in Guddoomiyaha Xisbiga ucid uu qaato Duco isla markana uu Murashaxnimada uu u daayo Jamaal Cali Xussen si Khilaafka xisbiga Ucid u dhammaado.
Wararku waxay intaasi ku daryaan in Saladiinta Koonfurta Hargeysa ay u Gudbiyeen Heshiiskasi Faysal Cali Waraabe Basle waxa wararku tibaaxayan in uu Faysal saladiintasi ka Codsaday in ay sugan inta uu ka soo noqonayo Safar uu sheegay in uu Dibada ugu baxayo muddo koobana uu ku maqnaanayo
The post Madaxdhameedka Gobolka Saaxil Iyo Koonfurta Hargeysa oo Shirar Doceedyo gar naqsi ah yeeshay iyo Natiijo Hordhac ah oo ka soo Baxday appeared first on Awdalpress.com.