Wararka naga soo gaarayo Degaanka Tuulo Barwaaqo oo hoostaga Dagmada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Degaankaas ay la waregeen Ururka Daacish ee.
Degaanka Tuulo Barwaaqo ayaa waxaa horay ugu sugnaa Ciidamada Maamulka Jubbaland waxaana la sheegay in iminka ay lawareegeen Ururka Daacish oo aan wax Xabad ah kala kulmin Ciidamada Jubbaland.
Ururka Daacis ayaa markii ay qabsadeen Degaanka Tuulo Barwaaqo waxa ay gubeen Girigii Gudoomiyaha Degaanka sida ay xaqijiyeen Dadka Degaanka.
Tani ayaa noqoneysa Ururka Daacish in uu markii ugu horeeyaay qabsaday Degaan tan iyo markii ay ka goosteen Ururka Al-Shabaab.
Dhanka kale Ururka Al-shaab oo saldhigoodu yahay Soomaaliya xiriirna la leh Urur weynaha Al-Qaacida ayaa sheegtay qabsashada Tuulada Barwaaqo ee ka tirsan Degmada Dhobley ee Gobalka Jubbada Hoose.
“Sarkaal u hadlay ciidamada Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegeen tuulooyinka kala ah Shabaax, Tuula Barwaaqo, Dhiidi iyo Cali Bulleey dhamaan u dhexeeya Magaalooyinka Dhoobleey iyo Diif ee xadka Kenya iyo Soomaaliya. Sidaa waxaa lagu qaray warbaahinta Taabacsan Ururka Al-Shabaab.
Sikastaba ha ahaatee, Majiraan warar madax banaan oo kala xaqiijinaya sheegashooyinka Ururada Al-Shabaab iyo Daacish ay kala sheeganayaan Qabsashada Deegaanka Tuul- Barwaaqo.
The post Dagaalyahano ka tirsan Daacish oo deegaankii ugu horeeyay ka qabsaday Al-Shabaab appeared first on Awdalpress.com.