Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta booqday Xildhibaan Cabdikariin Xaaji Xuseen (Cabdiwaraabe) oo maalmihii ugu dambeeysay xanuun asiibay u jiifay gurigiisa.
Madaxweynaha ayaa waxa booqashadiisan ku wehelinayay xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada, xildhibaano iyo waliba masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda, hasayeeshee markii uu madaxweynuhu ka soo baxay guriga Xildhibaan Cabdikariin ayaa waxa goobta soo gaadhay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo laftiisu u socday booqashada Xildhibaanka.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa si kal iyo laab ah isu gacan qaaday, waxaana wajigooda ka muuqday in ay ahaayeen saaxiibo aan muddooyinkii ugu dambeeyay is arag.
The post Madaxweyne Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe Oo Kulmay + Maxay Ka Wada Hadleen? appeared first on Awdalpress.com.





