Garoonka diyaarada ugu weyn waddanka Soomaaliya ayaa laga dhisay magaalada Boosaaso. Garoonkaa oo la sheegay inay ku baxday lacag dhan 10 milyan oo doolar ayaa wejigiisii koowaad dhamaaday, waxaana la filayaa wejiga labaad inuu bilaaban doono sannadka cusub 2016. Wejiga labaad ayaa la filayaa in lagu dhiso dhismaha safarka iyo waddooyin magaalada aada. Diyaaradaha Dubai ka yimaadaa, iyo waddamada khaliijka, waxay hadda ka degaan Hargeisa, maadaama Boosaaso aany lahayn garoon wanaagsan oo caalami ah.
Akhristoow, garoonkani wax weyn ma ka bedeli doonaa socdaalka Soomaaliya oo saamayn weyn ma ku yeelan doonaa? Sidee u aragtaa mustaqbalka garoonka Magaalada Hargeysa ee hadda diyaaradaha intooda badanki ka degaan? Ma suurtoobi kartaa inay diyaaradaha in badani u wareegaan garoonka Boosaaso maadaama uu uga dhow yahay wadamada Khaliijka?
The post Garoonka Diyaarada Ugu Weyn Waddanka Soomaaliya Ayaa laga Dhisay Magaalada Boosaaso. appeared first on Awdalpress.com.







