Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Aas-aaska Booliska Soomaaliya Oo laga Maamuusay Dalka

$
0
0

BOOLISmunaasabad lagu maamuusay 72 guurada kasoo wareegtay aas-aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasibadda oo lagu qabtay dugsiga tababarka booliska ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, mas’uuliyiin ka kala tirsan barlammaanka, xukuumadda, taliyeyaasha ciidammada qalabka sida iyo marti sharaf.

Cutubyo katirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa madasha kusoo bandhigay barmaanij ay ugu talagaleen xuska maalinta aas-aaska ciidanka.

Maunaasabo kale oo lagu maamuusay aas-aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay gobollada dalka qaarkood.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ah ciidanka ugu faca weyn ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa la aas-aasay 20-kii  Disembar, sannadku markuu ahaa 1943-kii.

The post Aas-aaska Booliska Soomaaliya Oo laga Maamuusay Dalka appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images