Jawhar – Somalia (Awdalpress) Weerar duqayn ah oo loo adeegsaday diyaaradda nooca aan duuliyaha lahayn ee drone-ka loo yaqaanno ayaa lala eegtay saldhig ay ku tababaran jireen dagaalyahannada Al-Shabaab oo ku yaala gobolka Shabeelaha hoose.
Weerarka oo loo maleynayo inay gaysatay dowladda Mareykanka ayaa ka dhacay deegaanka Shanta Ameerika ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana la rumaysan yahay inuu gabi ahaanba burburiyay xerada tababarka milateriga Al-Shabaab.
Sida uu warbaahinta u sheegay Cabdi Ibraahim Shaamow oo ah madaxa taliska booliska ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa weerarka lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, balse ma uusan sheegin tirada khasaaraha.
Drones-ka Mareykanka iyo diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa aalaaba beegsada xarumaha Al-Shabaab.
The post Duqayn Xagga Cirka Ah Oo Loo Adeegsadey Duyaaradaha Iyagu Is Wada (drone) Kaasi Oo Lagu Burburiyay Saldhig Milatari Al-Shabaab Lee Dahay appeared first on Awdalpress.com.