Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qarax ka dhacay Lamu oo lagu dilay Sarkaal katirsanaa Booliska Kenya

$
0
0

thumb

Nairobi (Awdalpress) Sarkaal sare oo katirsanaa Ciidanka Booliska Kenya ayaa Saakay oo Jimco ah lagu dilay Qarax lala eegtay Kolonyo uu la socday oo marayay Wado ku taalla Lamu.

Mr James ole Serian, oo ah Agaasiimaha Howlgalka Booni ayaa sheegay in Qarax lagu aasay Wadada qarkeeda ay burburisay Mid kamid ah Gaadiid ay wateen Saraakiisha Booliska xilli ay kusii jeedeen Deegaanka Boodhi.

Weerarka waxa uu ka dhacay Wadada isku xirta Deegaanada Hindi iyo Boodhi waxa uu ku yaallaa inta uu dhaxaysa Gaarisa iyo Lumo oo ku dhaw Xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

Qarax ayaa waxuu sheegay inay ka danbeeyeen Al shabaab oo aad ugu xoogan Gobolka Lamu, oo mudooyinkii danbe ay ka dhacayeen Weeraro ka dhan ah Ciidanka Kenya.

Mr James ole Serian ayaa beeniyay Warar ay baabiyeen Warbaahinta oo ahaa in Qaraxa uu dhaawacyo halis ah gaarsiiyay 3 Sarkaal oo Booliska, kuwa kalena lagu la’yahay.

“Qaraxa waxaa ku dhintay Hal Sarkaal, ma jiraan askar kale oo ku dhaawacmay Weerarka, dhamaan Ciidanka kale si nabad ah ayay kusoo gaareen Deegaanka Boodhi,” ayuu yiri Mr James ole Serian.

Qaraxan ayaa imaanaya Todobaadyo kadib markii Labo ruux lagu dilay Weerar Al shabaab ay ku qaadeen Gaari Xamuulka qaado oo kusii jeeday deegaanka Hindi .

Bishii July 13-keeda, ee 2015, 4 Haween ah iyo Cunug yar ayaa ku dhintay Qaraxa Miino oo Gaari Laan-garuus ah oo Booliska Kenya wateen oo Qaraxa lagula eegtay Gudaha Gobolka Lamu.

The post Qarax ka dhacay Lamu oo lagu dilay Sarkaal katirsanaa Booliska Kenya appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles