Taliyaha ciidanka milateriga Kenya General Samson Mwathethe ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka KMG ah ee Jubba, isagoo booqday xarumaha ciidanka KDF ay ku leeyihiin magaalada.
Booqashadiisa ayaa lagu sheegay dhiirri-gelin la siinayo ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
General Samson ayaa sheegay in ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya ay hayaan howl wanaagsan, wuxuuna sheegay inay ku sii sugnaan doonaan Soomaaliya ilaa laga adkaanayo kooxda Al-Shabaab.
“Waxaan rabnaa inaan ka takhalusno Al-Shabaab ka hor inta aanay noogu iman Kenya,” ayuu yiri jeneraalka.
Waa booqashadii ugu horreysay oo taliyaha uu ku tago Kismaayo tan iyo markii uu xilka qabtay horraantii sanadkan.
The post Taliyaha ciidanka Kenya oo booqday xubnaha KDF ee ku sugan Kismaayo appeared first on Awdalpress.com.





