Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Al-Shabaab oo Weerar Gaadmo ah maanta ku dishay Saraakiil Kenyan ah sidoo kale qabsatay Gaari Dagaal

$
0
0

Dagaalyahano hubeesan oo katirsana Xarakada Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah waxa ay maanta ku qaadeen kolonyo gaadiid ah ay wateen Ciidamada Kenya, kuwaa oo ka baxay Degmada Ceel-Waaq kuna sii jeeday Magaalada Mandheera.

Weerarka ayaa ka dhacay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan dhinaca Ceel-Waaq , waxaana weerarkaasi ka dhashay qasaaro soo gaaray Kolonyadii Ciidamada Kenya ee lagu qaaday Weerarka gaadmada ah.

Inta la xaqiijiyay labo sargaal oo katisan Ciidamada Dowlada Kenya ayaa weerarkaasi lagu dilay kuwa kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, waxaana weerarkaasi kaliftay in Ciidamada Kenya ay kala firxadaan .

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamada Kenya ay qasaaro xoogan ku gaarsiiyeen weerarka ay maanta la beegsadeen, waxa ayna Al-Shabaab sheegeen in gaari dagaal ku qabsadeen Weerarkaasi iyo sidoo kale saanad milatari.

Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha Dalka Kenya, maalmo kahor weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen Kolonyo gaadiid ah ay wateen Ciidamada Kenya oo marayay Deegaan katirsan Lamu ayaa sidoo kale lagu dilay saraakiil katirsan Ciidanka Kenya.

The post Al-Shabaab oo Weerar Gaadmo ah maanta ku dishay Saraakiil Kenyan ah sidoo kale qabsatay Gaari Dagaal appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images