Qabuuro lagu aaso dadka Muslimiinta ah oo kuyaala Magaalada Paris ee Caasimada dalka Faransiiska ayaa lagu aasay mid kamid ah ragii wax ka fuliyay weeraradii qasaaraha badnaa ee ka dhacay Magaalada Paris.
Samy Amimour , oo kamid ahaa ragii weeraray Tiyaatarka Bataclan ee magaalada Paris goobtaasi oo mar qura lagu dilay 89-qof, ayaa si qarsoodi ah waxaa maalintii jimcaha aheed loogu aasay qabuuro ay leeyihiin Muslimiinta kunool Paris.
Ninkan ayaa horey u ahana jiray Darawal kaxeeya basaska kahor inta uusan xubin ka noqon kooxda Daacish, waxaana nikan uu kamid ahaa sideedii nin ee fuliyay weeraradii qasaaraha badnaa ee Pari ka dhacay 13-kii November ee sanadkan.
Qabuuro kuyaala Magaalada Paris ayaa lagu aasay Samy Amimour, waxaana aaska ninkan kasoo qeyb galay xubno kooban oo qoyskiisa kamid ah, mana jiraan wax calaamad ah oo loo yeelay qabrigiisa iyada oo laga cabsi qabo in ay halkaasi tagaan dad careesan.
Shacabka iyo Saxaafada Faransiiska ayaa laga qariyay aaska ninkan kamid ahaa kooxdii weerartay Magaalada Paris , aaska ayaana dhacay maalintii Jimcaha waxaana Warbahainta iyo shacabka loo sheegay axadii shalay in la aasay ninkii ugu horeeyay ee kamid ahaa Kooxdii Paris weerarka ka fulisay.
The post Mid kamid ah Ragii Fuliyay Weerarkii ka dhacay Magaalada Paris oo si qarsoodi ah loo aasay appeared first on Awdalpress.com.






