Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Sarkaal Sare oo ka tirsan Al Shabaab oo Iska dhiibay Gobolka Baay

$
0
0

Untitled

Korneel Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed, Taliyaha Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo la hadlay Warbaahinta Arlaadi ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay Sakaal sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Maxamed Ibraahim Dhuuboow oo ka mid ahaa sida la sheegay Saraakiisha Ururka Al Shabaab ayaa Taliyaha Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed waxaa uu xusay in galinkii dambe ee Shalay in uu isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed, gar ahaan kuwa ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Kornel Cabdulaahi Sheekh Maxamed ayaa waxaa uu tilmaamay in muddo Wadahalo ay u socdeen Sarkaalkani ka soo goostay Xarakada Al Shabaab iyo Saraakiishooda Dowladda Koonfur Galbeed ugu dambeyna ay ku guuleysteen Wadahaladoodii ayna soo dhaweeyeen wax dhibaato ah aan loo geysan Sarkaalka ka soo baxsaday Xarakada Al Shabaab.

Kornelka ayaa intaa waxaa uu ku daray in Maxamed Ibraahin Dhuuboow oo ka mid ah Saraakisha Al Shabaab ee ku sugnaa Degaano hoostaga Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Ma jiro Wax War ah oo ka soo baxay Xarakada Alshabab oo ku aadan Sarkaalka Sida la sheegay ka soo goostay Dhankooda

Maalmo kor ayee aheyd markii Sarkaal lagu magcaabo Maxamed Cali Maxamed oo ka mid ahaa Saraakiisha Al Shabaab uu isku dhiibay Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ku sugan Degmada Bardheere islamarkaana ay u soo gudbiyeen Magaalada Muqdisho

The post Sarkaal Sare oo ka tirsan Al Shabaab oo Iska dhiibay Gobolka Baay appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images