Booliska magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa dad badan ka saaray xarumo tareenadda laga raaco kadib markii ay soo baxday digniin la xariirta in la weeraro xarumahaas.
Wasiirka arrimaha gudaha dalka Jarmalka Joachim Herrmann ayaa sheegay inay heleen xog la xariirta in dad isku soo xiray miinooyin oo ka tirsan ururka Daacish ay damacsan yihiin inay isku qarxiyaan boosteejooyinka Munich ku yaala.
Wasiirku waxaa uu sheegay in shaqsiyaadka ay xogta ku heleen inay dalka Jarmalka ay tiro ahaan gaarayaan illaa iyo 7 ruux oo ay baadi goob ugu jiraan.
Ciidamadii ugu tirada badnaa ayay dawladu geysay goobaha laga shakiyay waxaana dadkii ku sugnaa la faray inay iskaga baxaan.
Amaanka magaalooyinka ugu waa weyn qaaradda Yurub iyo wadamo kale ayaa aad loo adkeeyay ayadoo laga cabsi qabo inay weeraro ka dhacaan inta ay socdaan munaasabadaha loogu dabaal dagayo sanadka cusub ee 2016 oo maanta bilow ah.
The post Dawlada Jarmalka Oo Ka Cabsi Qabta Weeraro Dalkeeda Ka Dhaca & Ammaanka Dalkasi Oo La Adkeyay. appeared first on Awdalpress.com.