Hargeysa, January 9, 2016 (Awdalpress) – Guddoomiyaha golaha wakiillada, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa sheegay inuu iska lahaa sababta keentay inuu madaxweyne Siilaanyo ku fadhiisto kursiga dalka laga hoggaamiyo, isla-markaana ay si weyn usoo wada shaqeeyeen.
Guddoomiye Cirro ayaa khudbad uu dhawaan u jeediyey taageerayaasha xisbigiisa ee Bariga London, waxa tilmaamay inuu ahaa taageeraha madaxweyne Siilaanyo, balse uu mucaaridnimada iska lahaa xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ooh ore xisbiga Kulmiye dagaal adag ula soo galay, “aniga iyo dadka bariga london ba qoladii Siilaanyo kursiga saartay baanu kamid ahayn, laakiin Cabdiraxmaan Xoog baa kasoo horjeeday, odagyana si wanaagsan baanu usoo wada shaqaynay, haddana si fiican baan usii waddacayaa. .mana hawl yara nin kursi ku fadhiya sida looga qaadaa, derejada ugu yar baa laga yaabaa inuu qaaddiga u tago, hadduu ku dagaallama dhibteeday leedahay”ayuu yidhi guddoomiye Cirro.
Mar uu guddoomiye Cirro ka hadlayey xubno xisbigiisa dibadda uga baxay, ayaa tilmaamay inay arrintaas xaq u leeyihiin“Maalma qaar ayaa xisbiga qaar ka baxeen ka warran markii ay I yidhaadheen xisbigu jeel ma aha, cidna laguma khasbo oo dadku iyagaa doorta, haddii ay garan waayaana markii ay doonaan ay ka baxaan, waayo waxa la isugu yimi mabaad’I”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
The post “BEESHA DHEXE CIDDII XANAAQDA IYO XISBIYADA DHACAABA XAMAR BAY ISKA TAGTAA, LAAKIIN WAY ISKA SOO NOQON DOONAAN…” appeared first on Awdalpress.com.