Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Badhasaabada gobolada Somaliland oo ka Dhaliilay wadashaqaynta Wasiirka Arimaha Gudaha Warancade

$
0
0

imageAwdalpress(Hargeysa) 13 Jan. 2016– Shirkii Badhasaabada Gobolada iyo Maayarada Somaliland ee uu Madaxweyne Siilaanyo Laba Cisho ka hor kulanka kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada ayaa la sheegay inay intooda badan Badhasaabadu ku soo bandhigeen dacwado ka dhan ah Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo ku saabsan sida aanu ugu jajabnayn inuu si hufan ula shaqeeyo Badhasaabada oo laf dhabar u ah Gobolada Dalka,waxa ay Qaarkood ka sheegeen shirkaasi in Telefankiisa Gacanta inta badan uu ka qabto Askariga illaallada u ahi taasi oo ay ku sheegeen inuu Wasiirku karaahiyaysto shaqo maalmeedka Gudoomiyeyaasha Gobolada ee u badan Hawlaha Amniga Qaranka ay u hayaan.
Warar madax banaan oo wargeyska Foore ka helay Nuxurka Shirkaasi uu Madaxweynuhu la yeeshay Badhasaabada Gobolada Iyo Maayarada Dalka wixii Lagaga Wada Hadlay ayaa lanoo xaqiijiyay in inta badan shirkaasi lagu qaadaa dhigay hanaanka shaqo ee Badhasaabada,Maayarada iyo caqabada haysta. Sida illo wareedyo ka agdhawaa shirkaasi ay Foore u Sheegeen,waxa ay badhasaabada qaarkood oo uu ugu horeeyay Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Ramaax ay goobta ka sheegeen waydnimada wada shaqayneed ee ka dhaxaysa Badhasaabada Gobolada iyo Wasiir Warancade iyo sida aanu iskaga xil saarin dhiirigalinta iyo Dar dar galinta Shaqada Badhasaabada Gobolada oo si toos ah xaga shaqada u hoos yimaada Wasaaradda Arimaha Gudaha. Badhasaadda Qaar ayaa Wasiir Warancade ku eedeeyay inuu takri fal ku sameeyay Miisaaniyadii ama lacagtii loogu talo galay in Wax lagaga qabto Amniga Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland oo Wasaaradda Soomara nidaam maamul ahaan.
Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Ramaax oo isagu badheedhihiisa ka dhiibtay Shirkaasi ayaa si toos ah u duray Wada Shaqaynta Wasiir Warancade oo uu ku eedeeyay inaanu door weyn ka qaadan Caqabado waa weyn oo Amni daro ah oo sanadkii dhamaaday ee 2016-ka ruxay Gobolka Awdal waxa uu sheegay in xiitaa Telefankiisa Gacanta Wasiirku aanu ka qaban intii arintaasi taagnayd,oo uu u arko inkiraat iyo ka xumaan, in Wasiirku aanu rabin in arintaasi Guul laga gaadho , isagoo intaa ku daray in marka laga qabto telefanka Wasiirkana uu la hadlayay Askariga ilaalada u ahi,taasina ay tahay nidaam xumo ka baxsan Anshaxa dawladeed, Waxa kale oo uu Badhasaab Ramaax sheegay in aanu wax dhiiri galin ah ka helin Wasiir Warancade markii uu soo xero galiyay Kooxdii Suldaan Wabar ,islamarkaana aanu wax taakula ka helin wasiirka intii uu hawshaasi u guuraynayay ee uu Duurka ugu jiray. Waxa uu Badhasaab Ramaax Sheegay in Kharashaadkii ku baxay hawlgaladaasi uu ka sii qaatay Qaar ka mid ah Ganacsatada Boorama markii uu Wasiirku telefankaba ka qaban waayay. Badhasaab Ramaax ayaa la sheegay in markii uu doodaasi madaxweynuhu u jeediyay oo cadho awgeed uga soo baxay Shirka,balse lama sheegin meel ay arintiisaasi ku dambaysay.
Sidoo kale Badhasaabka Dhawaan loo magacaabay Gobolka Togdheer Maxamed Aadan Qabo oo kulanka joogay ayaa isna dhinaciisa dacwad ku soo oogay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade,waxa uu sheegay in muddadii Sideeda Cisho ahayd ee uu xilkan Cusub la wareegay uu dareemay xidhiidh la’aanta wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Badhasaabada Dalka ,waxa uu sheegay Badhasaabka Gobolka Togdheer in dhawaan uu dil ka dhacay Gobolkaasi islamarkaana uu waayay wax uu ku hawlgalo,Waxa uu sheegay in Kharashkii hawshaasi lagu galayay uu Wasiirku kala fadhiistay oo uu tuugay Dadka shacabka ah,waxa uu sheegay in markii uu Wasiirku ka gaabsaday arintaasi ay si weyn Maamulka Gobolka uga dabareen Odayaal ka soo jeeda Burco oo buuxiyay baahidii shaqadaasi lagu qabanayay,waxa uu madaxweynaha ka codsaday inuu wax ka qabto hagaajinta Wada Shaqaynta Badhasaabada iyo Wasaaradda Arimaha gudaha oo Wakhtigan aad u liita islamarkaana keeni karta in gaabis ku yimaado Hawlaha xagga Amniga Dalka.
Inta badan Badhasaabadii Kulankaasi joogay ayaa isku raacay gaabiska wada shaqayneed ee ka dhaxaysa Wasaaradda Arimaha Gudaha oo ay si gaar ah farta ugu fiiqeen Wasiirka Hadda Jooga inaanu u jajabnayn inuu la Shaqeeyo Badhasaabada Gobolada islamarkaana aanay u qudh qudhsanayn ahmiyada ay Badhasaabada dalka ku leeyihiin Qaranka Somaliland gaar ahaan Marka la eego Dawladnimada iyo Arimaha Amniga. kulankan looma ogalayn saxaafada balse sida Foore loo xaqiijiyay waxay Badhasaabadau aad uga dacwoodeen Wasiir Waranacade oo ay sheegeen shaqsi aan u bislayn inuu Badhasabaada si hufan ula shaqeeyo. Kulan ayaa dhawaan qasriga ku dhex maray madaxweynaha iyo badhaasbada.
Source: Wargayska Foore Hargaysa

The post Badhasaabada gobolada Somaliland oo ka Dhaliilay wadashaqaynta Wasiirka Arimaha Gudaha Warancade appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles