Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ciidammada Somaliland oo Maanta Xidhay Wariye iyo Taliye ka Warbixiyay Xadhiggiisa

$
0
0

ccccBurco(Awdalpress) — Ciidammada ammaanka gobolka Togdheer ayaa maanta xabsiga u taxaabay Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala Gobolka Togdheer.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xadhigga wariye Coldoon ku wehelinaya sawir qaadihiisa oo la yidhaa Diiriye, waxaana la sheegay in Ciidanku la Wareegeen Xafiiskiisii Iyo waliba qalabkii Warbaahineed ee meesha yaallay.

Dhinaca kale, Taliyaha Qaybta Booliiska Togdheer, Axmed Maxamuud Guutaale oo goor dhowayd HOL khadka telefoonka ugu warramay ayaa sheegay in wariye Col-doon xidhan yahay, isla markaana loo haysto eedeysane baadhistiisu socoto oo uu jeelka waraysi uga qaaday.

“Wariyahu wuu xidhan yahay, waxana loo xidhnay kaddib markii nin dambi loo haysto oo baadhistiisu socotay uu ku dhex waraystay jeelka dhexdiisa taas oo ah mid ka hor imanaysa qaynuunka,” ayuu yidhi taliyaha qaybta gobolka Togdheer Guutaalle oo u waramayay HOL.

Sidoo kale, mar aanu waydiinay sababta maanta wariyaha loo xiray maadaama waqtigii uu qaaday waraysiga ay muddo ka soo wareegtay ayaa ku jawabay. “Mudadaanba baadhitaano baanu ku jirnay, imika maxkamad baa loo gudbinayaa wariyiaha; waxaana loo haysta inuu qaynuunka ku gefay oo qof baaritaankiisa lagu gudo jiro waraysi ka qaaday, sharciguna ma ogola.”

Ugu dambeyn, mar ay HOL weydiisay taliyaha in wariyaha waaran maxkamadeed lagu soo xiray iyo in kale, ayuu ku jawaabay; waaran maxkamadeed ayaanu ku soo qaateen xadhiga wariyaha, isla markaana wariyaha laftiisa baadhitaankiiisu socdo.

C

The post Ciidammada Somaliland oo Maanta Xidhay Wariye iyo Taliye ka Warbixiyay Xadhiggiisa appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles