Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Maqaal: 2016 Sanadkii Dhamaadka waxa loogu yeedho Somaliland ama Dumidii Dhulbahante dhab gebi ahaan.

$
0
0

s200_writter.incestt
Ku dhawaad 13 sano oo laangadhayn , Dhutis, Ragaad iyo dhibaato heerar badan leh lagu soo hayey bulshada gobolada SSC ee beel ahaan ka soojeeda Dhulbahante, Ragaadkii muday sanadkii 2002 waxa mooda inuu hada bislaad joogo, halka cagtu u weyn tahayna taagan yahay, hal cabirka bedka Dhulbahantena maanta wadanaha agtiisa maraayo, halkaasoo u dhiganta Balicad oo Dhuunta u ah Buuhoodle.
Cirifka kalena Ragaadkan oo ah mid talaalan xanuun badan oo dheecaan lehna yeeshay soo jooga Xudun, hadana dherersan oo ah qodax aad u socod badan seeda badana ku taagan, dhumucda ay yeelatayna ay is haystao Dhanka waqooyi Yagoori , Bariga laamiga marka la qaadana Ganbadhe, hadana laamo ku yeelatay daanta Koonfureed oo faanaheedu joogo Kalabaydh.
Xili kastoo socod ay isku daydo Lugtanu waxa dhaq dhaqaaq xoogan sameynayso qodaxdan oo ah mid baabuur saaran, sanadkani wuxuu ahaa mid leh dardar gaar ah, waa mid la helay shaqaalo badan oo jajaban aadna u indho adag balse u dhagajilicsan kuwa dirsanaya, uuna gudoomiye KMG ah u yahay Saleebaan Xaglatoosiye, amin dhawaydna oo saacad ka yar 24 lagaga bedley guriga Buuhoodle gagi gobeed dad badan isugu yimaadeen, Wanqal la’aana loogu baxshay {Xagla-jabiye}.
Odoroska sanadkani wuxuu u egyahay in Bisaykii dhicitaankii Qodaxda la joogo, ama lugtu jaris noqoto oo lagu kala dhaqaaqo, waxa kaliya ee lugtanu u eldrana tahayna dadka daawo dhaqameedka yaqaanaan ku sheegeen Badhi kooban oo la kabado, Si wadajir ahna wakhtigeeda loo wada liqo, ma lahana keebka laga wada taabto inta deegaan ee xididleeyda ah ee Qodaxdu taxan tahay.
Dulmikastaa wuxuu lee yahay wakhti uu idlaado, wuxuuse ku xidhan yahay in dulmiga loo helo Dulmi diid, inta taas la helayana dulmigu waa kobcaa, marka la helana waa lala halgamaa oo ma soo boodo inta badan dawadiisu, xaquna sidiisaba waa Halgan iyo hawl badan oo ku quman in loo qaabilo si waafaqsan dulmiga awoodiisa la dirirkeeda.
Sanadkan maleeshiyaadka Somaliland ee is taxay Hawd iyo Nugaal dhulka Daraawiishta waa laba mid uun, wuxuu noqon karayaa kii ugu danbeeyey ee jiritaanka wax danbe oo loogu yeedho Somaliland, ama xidido u siibidda sheeg sheegidiisa danbe ee cid loo yaqaano Dhulbahante, waan odhan karaa Khaatumo balse dad baa moodaya hadii Khaatumo aan dhaho kaliya inaan ujedo Ali KHaliif, kuna qanacnayn, Caqligeeduna dareen siinayo ah arintu kumaba khusayso oo Ali beey joogtaa ee bustaha hoosta ka gal.
Duulaanka Somaliland ee ka cidhif ka cidhif is qabsaday waa mid qoto dheer, kuna fadhiya in jirida laga gooyo wax loo yaqaano Qab ay yeeshaan , tallo ay yeeshaan, Dhul ay yeeshaan iyo dan ay yeelan karaanba amar la’aan dadka dega SSC ee Khaatumo uga aroora ama iska dheh Dhulbahante.
Maamulka Somaliland waxa ugu daran u daran ee u xun aysan soo dhaweyneyn kolaba ee lagu fashilin karaa waa in la iska daafaacaa, waxkastoo intaas ka soo hadhaa waa iidooda iyo Aayaankooda, waxa loo baahan yahay in la helo Istartijiyad dagaal oo muddo leh, Yool dhaw, iyo mid dhexe iskugu dhafan, kaasoo noqon karaayo oo kaliya sidii deeganadan lagu socdana loo daafacan lahaa kuwa la haystana loo xoreyn lahaa.
Waxa kaliya ee yoolka dhaw noqon karaa waxa weeye in maleeshiyaadka filiqsan ee sida maska isku xidhan inta meelood ee ay joogaan lagula diriro, laguna khasbo inta aan la gaadhin rubuca sanadkan inay doc isugu baydhaan , iskuna aruursadaan hal meel, taasoo noqon karaysa mid ay fahmi karaan dadka aqoonta Military leh, inaan halkan uga qudbeyana aysan qumeneyn.
Yoolka dhexe ha ku beegnaado in halka ugu danbeysa oo ay isugu biyo shuban doonaan,waa magaalada ay Ugxantu u taalo Laascaanood loogu daato, goor aan habeena ahayn dharaarna ahayn, hadiise la madhaxsado, Buuhoodle ay sugto inta Balicad ay baranayaan, Widhwidhna ay hoy ka dhigtaan, Kalaybaydhna ku kala bedeshaan sidii dhacaysay dhawaanahan, Xuduna Barkimo dheeraysi ku jirto waa ta soo afjaraysa in uu sii jiro wax loogu yeedho Dhulbahante oo danbe. Qorshahoodu dhabta ah ee sanadkana waa taas, keenuna haduusan noqon mid u dhigma kooda waa kala dhaqaaq, dabayaaqada sanadkana heshiiska Koonfurta lala galayo, oo noqon kara mid magdhaw, mid kala tag, mid isku noqosho iyo Israacsi, intaba marti iyo Magan indho bissa leh inaad ka noqotaan suga.
Hadii aynu doorbideynu isku mashquulka dhexdeena, is qab qabsiga dhexdeena, isku faanka beenta ah ee dhexdeena inagoo aan is dhaamin, hawshu waxay uun noqon sida la qorsheystay, waa uun dhengadee ayadaa Goojisaye, hadiise aynu dhinac u leexino kala duwanaanshaheena oo aynu dhab ugu halwgalo qorshayaasha sanadkan oo ka ugu wacan noqon karo midka Military ee dibu xoreynta dalka waa guusha gacantaada kaga dhereg.
Hadii kale Huluulaha ku jira Hebi la’aantiina.
QORAALKA WAXAA MASUULIYADIISA LEH
W/Q: Salmaan Xaashi Dheere
Facebok: Salmaan Hashi Dheere.

The post Maqaal: 2016 Sanadkii Dhamaadka waxa loogu yeedho Somaliland ama Dumidii Dhulbahante dhab gebi ahaan. appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images