Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka Arrimaha Gudaha soomaaliland oo Kulan LA qaatay Wafti ka socday Qaramada midoobay iyo soomaalilaand oo la Amaray in ay joojiso Qalaasaha ciidan ee ay ka wado Goboladda Barrigga

$
0
0

warancade-80x106
Hargaysa(Awdalpress.com)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa shir lagu dardar galinayo kor u qaadida Amaanka Dalka iyo sidii labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen la yeeshay maalinimadii shalay UNSOM.
Shirkan ayaa wasiirka arrimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Waran-Cadde ay ku wehelanyeen Taliyeyaaha Kala Duwan ee Ciidamaha Ammaanka qarankan Somaliland .
Halka dhica Unisomna ayka Socden Saraakiil iyo masuuliyiin ku takhasusay dhinaca amaanta lagana wada hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa kor u qaadida amaanka .

Shirkan ayaa lagaga wada hadlay iskaashiga dhinaca amaanka waxaana ay wasaarada ka dalbadeen baahiyaha dhinaca amni ee jira kuwaasi oo ay doonayaan inay ka caawiyaan xukuumada Somaliland islana qaataan. Wasaaradunu ay dhiibato baahiyaheeda wakhtiga dhaw.
Waxaa kale oo ay ka hadleen wariyeyaasha la xidho iyo sababaha loo xidho taasi oo ay wasaaradu cadaysay in shaqsiyaadka ay wasaaradu xidhay loo maray shifo sharciya oo waafaqsan dastuurka iyo xeerka warbaahinta ee dalkani u yaala taasina ay isla qaateen unatednation-ka iyo madaxda wasaaradu
Waftidan ka socta unatednation-ka ayaa dalka yimi maalinimadii isniinta ee lasoo dhaafay kuna taariikhaysnayd 25/01/2016 waxaana maalinnimadii shalay ay shir la qaateen wasiirka arrimaha Gudaha iyo Taliyeyaasha Ciidaha iyo dhamaanba haayadaha amaanka ee dalka waxaana shirkani ka dhacay xarunta wasaarada arrimaha gudaha .
Isha ku hayn
Awdalpress.com

The post Wasiirka Arrimaha Gudaha soomaaliland oo Kulan LA qaatay Wafti ka socday Qaramada midoobay iyo soomaalilaand oo la Amaray in ay joojiso Qalaasaha ciidan ee ay ka wado Goboladda Barrigga appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images