
Sweden (Awdalpress.com) Ra’iisalwasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa xalay booqday degmada Mölndal oo shalay galab wiil qaxootiya toorey ku dilay gabadh 22 jir ah oo ka shaqeyneysay goob lagu hayo carruurta kelinimada ku imaata.
Dilkan ayaa loo qabtay wiil 15 jir ah oo deganaa xarunta gabdha ka shaqeyneysay. Ra’iisalwasaare Stefan Löfven ayaa ka tacsiyey musiibada Möndal ka dhacaday. ” Waxaan aaminsanahay in shacab badan Sweden ka welwelsanyahiin dhacdooyinkan in ay ku soo bataan waddanka madaama aan qaabilno carruur iyo dhallinyaro badan oo qaxooti ah. Qaar badan da’yarta qaxootiga waddankeena ku timaada waa kuwo soo maray xaalado dhibaato iyo shoog leh, mana ahan wax si sahlan loo maareyn karo, ayuu yeri Stefan Löfven oo habeynimadii isniinta shir-saxaafadeed ku qabtay degmada Mölndal. Tirada dhacdooyinka gacan ka hadalka iyo hanjbaadaha ah ee ka dhacay sannadkii 2015 goobaha qaxootiga ayaa afarjibaarmay marka loo barbrdhigo sannadkii ka horeeyey ee 2014ka, sida werisay laanta P4 Göteborg.
Awdalpress.com
sweden
The post Ra’iisal Wasaaraha Sweden Oo Tacsiyadeeyey Gabadhii Sweden Mindida Lagu Dilay appeared first on Awdalpress.com.




